Logo
ISLAMICHOMEACADEMY,COM
وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.‏‏.
Home      Qaabka waxlaguubarayo
 

QAABKA MACALIMIINTU WAX KUUGU DHIGAYAAN.

Waxaa jirta in dadka badankiisu aanu aqoon u lahayn qalabka Internet ka iyo tiknoolajiyada casriga ah ee wakhtiyadan dambe aduunka ku soo kordhay waxbadan oo nolasha ka mid ahna isbadal ku sameeyay.

Runtii waxaa jira habab badan oo qofka/qoysaka isticmaalka internetka nasiib u yeesha u sahlikara ugana faa’iidaysan karo, wax badan oo qofka nolashiisa ahna u dhibyarayn kara dhibaatooyin haystayna uu ku xalinkaro isaga oo gurigiisa jooga socdaalna aan galin u suurta galinaaya inuu dad kambaniyo kuliyad waxbarasho uu la xidhiidhi karo meelkasta oo aduunka ka mid ah, gaar’ahaan xagga waxbarashada. Sidaas awgeed waxaan jeclahay inaan halkan idiinku soo bandhigo sawiro iyo Video muujinaaya qaabka ISFA ardayga wax u barto taas oo runtii bulshadeena aad muhiim ugu ah inay fahmaan oo ka faa’iidaystaan fursadan siiba qoysaska iyo dadka qurba jooga ah.

Marka hore waxaan ardayda iyo waalidiinta xasuusin lahaa inay iswaydiiyaan su’aalahan soo socda si ay idiinku dhibyaraato waxaan halkan kuugu sheegnay iyo baahida aad u qabto Machadkan ISFA.

1.    Muxuu ahaa qaabkii caadiga ahaa ee waligeedba macalinku ardayga wax u barijiray siiba Diinta?

2.   Muxuu macalinku qalab ahaan adeegsan jiray marka uu ardayda badan iyo qofka kaliyaba wax baraayo?

3.   Maxaa badalikara ama lagaga maarmikaraa Macalinkii Diinta Islaamka laga barto isga oo ku horjooga?

Jawaab:a

a)   Qaabkii aynu naqaanay ee waligeedba dadku wax u baran jiray waxay ahayd: Dad is horjooga oo goob wada jooga (sida guri, malcaamad, school iwm) ayaa wax is bari jiray hadana wax isbara, way is arkaayeen is maqlaayeen. Macalinka iyo ardaygu gacanta ayay isla gaadhaayeen, kala baqaayeen, iyaga oo badan iyo iyagoo laba qof ahba.

b)   Macalinku wuxuu wax ku barijiray ardayda: 1.Loox qura’aan, 2.Kitaab uu mariyo, Samuurad uu wax ku qoro, wixii uu dhigay oo uu ardayga ku imtixaano oo hubiyo inuu ardaygu fahmay oo soo xiftiyay (subcis, layli, Shaqo guri oo ardayga loo dhiibo iwm. 3. Ardayguna wuxuu qaataa jiray Kitaab/buug uu wax ku qoro, Qalin iyo kutub uu soo akhristo oo ka eegto wixii loo dhigay ama loo dhigilahaa iyo imtixaan uu u diyaargaroobo.

c)   Xaqiiqdii ma jiro wax badalikara macalin taqiya oo ku horjooga ama nidaamkii la yaqaanay ee waligeedba madarasad ama malcaamad maamul iyo nidaam leh ahayd ee joogtada ahayd taasbaana marwalba  kow ah, maantan kasii casriyaysanba.

Laakiin qofka aan haysan taas ayuu nidaamkan cusub ee online ka ahi u yahay fursad dahabi ah oo aanu waligeedba hore u helin. Runtiina waa nidaamka labaad ee kaalinta hore ee aan soo sheegnay ku xiga. Takale dhinac waa iskaga mid oo macalinku waa kaas aan xagga sare ku soo sheegnay uun xagga farsamada iyo qalabka wax lagu dhiganaayana habkan cusub ayaaba ka sareeya, kana waadaxsan meelo badana kaga sahlan, sida masaafo la’aanta aanad meelna ku kacahayn, wakhtiga oo marwalba kugu haboon haddii aad caruur iskuul dhigta tahay ama qof waynba xilikasta oo kugu haboon waxbaad baran kartaa, tayada aqoontuna waa tii ugu wanaagsanayd ee aan helikaraynay.

Sidaad halkan hoose ka arki karto habkan online ka ayaa waxbadan kaga sareeya oo kaga haboon ardayda qoysaska, waalidiinta, ardayda jaamacadaha maadiga barta, shaqaalaha iyo qofkastaba yar iyo wayn. Midkale oo bulshada Soomaaliyeed ee degen qurbaha aad u khuseeysaa waxaa weeye dalalka aad joogtaan oo intabadan aan muslim ahayn, Ubadkiinii iyo qoysaskiinii oo aydaan u samayn Madarasado ama Malcaamado maamul iyo Nidaam leh oo u shaqeeya qaab tayo leh oo qofka bayskiisa dhisikara. Xaalkii qurbajoogu wuxuu noqday in aad yar iyo wayn xagga adduunyada u cararteen diintii oo waajibka koowaad ee qof walba inuu xooga saaro ah aydna aad iska dhayalsateen.
 
 
Laakiin dhaliishu waxaa weeye qof ku horjooga ayaa hadana waxa isku kiin xidhay aanu ahayn awooda qofka ee waxaa isku kiin hayaa waa korranto iyo internet taasina waa artifical aan u dhigmin awoodaha Rabbi SWT uu khalqiga ugu nicmeeyay. Sidaas awgeed haddii Computer ka ama korantadu kaa danto iskuma soo lugayn kartaan wax walibina way istaagayaa waa taas dhaliisha kaliya ee muhiimka ah inaad ogsoonaato. Fadlan bogan ka wayr hay Insha Allaah waxaan ku dadaalaynaa inaad wixii aad u baahan tihiin oo dhan ku soo dhamaystiro.
 
Marka Macalinku ardayga wax u dhigaayo.
 
Marka Test la qaadaayo.
 
Macalinka oo Cashaka ka dhagaysanayaa arday
 
 
Subcis

My status

Skype Me™!       

   

 
 
 
     

Alimuse.com

Duruus.com

Alhidaaya.info
Cilmunaafic.com
 
Copyrights©2009 All reserved by: